LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

'Buug soo koobid' iyo baraaruji awoodahaaga 'Ibrahim al fiqi' Q1


Asallaamu calaykum saaxiibayaal waa markale iyo barnaamijkeenii 'buug soo koobid' Ee aan kusoo gudbin jirnay maktabadeena 'dunida wax akhriska' qaybteeda telegramka, barnaamijkaan oo aan asbuuc walba hal buug kusoo koobno waxaan doorkaan kusoo qaadanaynaa buug uu qoray qoraa reer masri ah dunnida islaamka iyo midda galbeedkana aad looga yaqaanay wakhtigii uu noolaa. 

buugga oo uu qoraagu ku magacaabay 'baraaruji awoodahaaga' asalkiisana kuqornaa luuqadda carabiga waxaa turjumay oo afsoomaali u badalay qoraa dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Ismaaciil tukaale cige. buuggu wuxuu si guud uga hadlayaa hormarinta nafta iyo si gaar ah baraarujinta awoodaha bini aadamka ee aan xadka lahayn, wuxuu kicinayaa dareeenka duugoobay ee nafta bini aadamkaa ku abuuran, wuxuu hami galinayaa naf sigtay in ay quusato haseyeeshee wali aan rajjo dhigin, wuxuu kicinayaa oo boorka kajafayaa naf is ilowday hawlahii laga rabay aduun iyo aakhirana inbadan oo kamid ah ay dayacmeen iskusoo hooriyoo buuggani wuxuu awood siinayaa qofkasta oo doonaya in uu dib u kiciyo awood alle siiyey ee uu asagu fariisiyey. 

Eebe janno ha ugu badalo dadaalka ay labadooduba  kubixiyeen waa qoraaga iyo turjumaagee in ay nasoo gaarsiiyaan buugaan qiimaha badan. insha allah innaguna waxaan iskudayi doonnaa inta aan awoodno dadaal in aynaan laharin sidii aan usoo koobi lahayn buuggan qiimaha badan nuxurkana aan ugalasoo bixi lahayn. 

buug kasta oo aan soo koobayno 4 ilaa 6 maqaal wax aan kabadnayn ayaan u kala qaadi doonaa haddii alle idmo si uu akhristuhu faa,iidada ugu badan uga helo asagoon buuggii wada daalacan.



Q1. Ibraahiim Alfiqi Buugiisa waxa uu ku bilaabayaa qiso cajiib ah, qiso kusaabsan koox cilmi baarayaal ah oo kuxeeldheeraa sida loo baaro macdanta. Kooxdaan ayaa bartamihii qarnigii tagay sanadku markuu ahaa 1948 waxa ay u duuleen qaarada Africa si ay ugasoo baaraan macdan, Kooxda waxaa kamid ahaa Caalim reer jaban ah oo lagu magacaabi jiray Yuki. Qoraagu waxa uu kutilmaamayaa caalimkaan nin firfircoon oo dadaal badan waligiisna shaqo uu gudo galay aan ka niyad jabin ilaa uu dhamaysatiro. Wax ay maalmuhu socdaanba kooxdii waxba natiijo ah waa gaariwaayeen. muddo kadib ayuu caalimkii reer jaban waa Yuki eh wuxuu go,aansanyaa in uu dalkiisa kulaabto asagoo aad uga niyad jabsan wixii uu filayey iyo wixii uu la kulmay. Maalintii u dambaysay ee shaqadiisa ayuu shanta galabnimo soo gabagabeeyey hawlihiisii si uu iskugu diyaariyo safar dheer oo uu dalkuu kayimid dib ugugu laabanayo.

Wuxuu usoo degdegay huteelkii uu daganaana si uu iskaga fasaxo, intii uu soo socday ayuu wadadii u dhaxaysay huteelkii uu daganaa iyo goobta shaqadiisa waxaa kagahoryimid wiil yar oo wata dhagax uusan horay u arag oo dhalaalaya. Wiilkii yaraa ayaa caalimkii wuxuu kacodsaday in uu dhagaxa kaga badasho Xoogaa Xalwad ah, Caalimkiina wuu aqbalay balse markii uu tagay huteelkiisii ayuu qalab u yaalay kubaaray dhagaxii laakiin wixii uu arkay wuu rumaysan waayey dhowr jeer ayuu kucelceliyey, hasse ahaatee wax uusan filayn ayuu xaqiiqsaday waaba dheymantii (diamond) ugu waynayd oo uu noloshiisa arko qiimeheeduna kor u dhaafayo toban milyan oo doolar ($10million) arintaas oo filanwaa kunoqotay caalamkii reer jaban muddana uu rumaysan la,aa wakhtiyo dambana uu kaqoray maqaalo uu kaga hadlayo wixii uu kala kulmay wiilkii yaraa iyo dhaymantii uu helay. 


''Aniggu shakhsi ahaan waxaan leeyahay dadaku intooda badani ma oga xaqiiqda awoodahooga aan xuduuda lahayn kuwaas oo ilaahay uu u hibeeyey, wakhtigiisa ayuu qofku luminayaa noloshiisa iyo naftiisana waxa uu ku iibinayaa qiimo jaban isla sida ilmaha yar oo kale kaas oo aan garan qiimaha wixiii uu haysatay ee gacantiisa kujiray'' ayuu qoraagu qisada kusoo afmeerayaa.


LASOCO QAYBTA LABAAD INSHA ALLAH

Post a Comment

0 Comments