LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Qaybta labaad’ Buug soo koobid' iyo baraaruji awoodahaaga 'Ibrahim al fiqi'


S
alaamulaahi saaxiibayaal waa markale iyo barnaamijkeenii 'buug soo koobid' waxaan bilownay oo aan qaybtii koobaad ka daalacanay buugga layiraahdo ''baraaruji awoodahaaga'' ee uu qoray naxariistii janno alle hasiiyee ibrahim al fiqi. mufakir iyo qoraa reer Masar (Egypt) ahaa qaybtaan waa qaybtii labaad ee taxanaha buuggeena.

Q2: Qoraagu qaybtaan waxa uu aad ugu dheeraanayaa awoodaha bini aadamka ilaahay siiyey ee aan xuduud lahayn, sida qofku uu awoodo in uu xaqiijiyo waxkasta oo naftiisu ay jeclaato وفي انفسكم افلا. تبصرون “ma waydaan arkayn nafihiina” Al yacnii sida ilaahay u abuuray naftiina kadibna uu u karaameeyey ugana dhigay mid awooda in ay samayso waxkasta oo ay rabto.

nasiib darro dad badan magaran karaan awooda gudahooda kujirta sababta ayuu qoraagu kusheegayaa in deegaanka qofka kuhareeraysan ay kabuuxaan barjamo iyo aaminaad khaldan oo wakhti hore kadhalatay deegaanka hareerihiisa ah, qoraagu barjamooyinkaas wuxuu leeyahay waxaa ka kow ah labada waalid, kadibna qoyska, kadibna saaxiibada, kadibna bulshada wxuxuu sidoo kale ku darayaa iclaanka (saxaafada) iyo qiyamka taariikheed ee diiniga ah inkabadan 90% qiyamkeena taariikheed waxaan ka kasbanaa caalamka innagu xeeran kaas oo si khaldan noo borogaraamiya. ayuu leeyahay ibraahiim al fiqi. 

Qoraaga oo wali dabasocda borogaraamyada khaldan ee la innagu shubay ama aan kadhaxalnay deegaanka iyo dadka nagu hareeraysan wuxuu halkaan soo qaadanayaa qiso kadhacday dalka shiinaha muddo lagu qiyaasay 2 kun oo sanno wakhti ay kulmeen khuburo shiinays ah iskuna afgarteen in ay qoraan SANAM DAHAB KA SAMAYSAN  misaankiisuna kabadanyahay (boqol kun ooo kiiloo garaam) 100,000kg hadafkooduna ahaa in uu noqodo hiddo iyo dhaqankii ugu wanaagsanaa dalka shiinaha oo taariikhi xusto, markeey sanamkii dahabka kasamaysnaa dhamaystireen ayaa waxaa magaaladoodii soo weeraray ciidamo lagumagacaabi jiray barmuud ciidankaas oo uu qoraagu ku tilmaamayo kuwa caan ku ahaa shar iyo dagaalyahanimo, kadibna waxa ay kabaqeen in ciidankaasi sanamka arko, haddaba si ay uga dheeraadaan in cidankaasi sanamka dahabka  ah qaato waxa ay go,aansadeen in ay dhoobo kumalaasaan (kudaboolaan) arrintaas markii ay si dhakhso ah kufuliyeen ayaa ciidankii duulaanka ahaa magaalada soo galeen nasiib darro wax kasta oo magaalada yaalayna way burburiyeen, dadkiina way laayeen, dhinaca kale nasiib wanaag sanamkii way garab mareen oo wax aan qiimo lahayn ayey u arkeen. muddo 150 sano kadib ah ayey masuuliyiintii xilagaas joogay shiinaha go,aansadeen in ay sanamka u raraan caasimada shiinaha BIKIN madaama uu taariikhi ahaa sanamku balse ma aysan ogayn waxa dhabta ah oo uu kasamaysanyahay, haddaba xili lagu gudajiray qaadidiisii (rariddiisii) ayuu nin kamid ah shaqaalihii kashaqaynayey kudhuftay dubbe dilaaciyey sanamkii kadibna waxa uu ku ifiyey toosh madaama  uu iftiinkii dahabkii u gudbay waxaa kusoo laabtay iftiinkii tooshka kadibna waa uu shakiyey wuu kuceliyey ilaa uu xaqiiqsaday in dhoobada dahab kahooseeyo, arrintii oo kufaaftay dalka shiinaha oo dhan ayaa keentay in ay soo faragaliyaan madaxdii sarre ee dalka kadibna ay u qaadaan caasimada dalkaas, ilaa maantana uu yahay meel loo dalxiis taggo sida uu sheegayo qoraagu asagoo lagu dulqoray xikmadda shiinaha ee tiraahda (dhoobada hoosteeda kansi baa kujira). 

talada qoraaga waxaa weeye in aad marka hore garatid awooodaha alle kusiiyey iyo kasiga uu gudahaaga dhigay madaama qofkasta oo bini aadam ah uu alle wayne dhex dhigay kansi kaas oo waliba aan xuduud lahayn kadib ayaad kafaa,iidaysan kartaa islamarkaasna safarka noloshaada aad kadhigi kartaa mid rayrayn iyo raaxo leh. 

LASOCO QAYBTA 3AAD

Post a Comment

0 Comments