LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts




Ka Muslim ahaan ama dad haysta diinteena sharafta badan ee islaamka, raacsan oo kudhaqma kitaabkii ilaahay subxaana watacaalaa noo soo dajiyey kudhawaad 1,450 sano kahor, sidoo kale rumaysan Anbiyadii uu ilaahay soo diray iyo kutubtii uu soo dajiyey, waxaan isku raacsanahay oo shaki uusan nooga jirin in rasuulkeenii suubanaa muxammed salalaahu calayhi wasalam uu ahaa rasuul iyo Nabi xag Eebe lagasoo diray loona soo diray dhamaan bashariyadda imaan doonta ilaa iyo inta buunka laga afuufayo. 


Dhinaca kale dhamaanteen waxaan qirsanahy in shakhsiyadii nabigeenu SCW ay ahayd shakhsiyad wayn oo nooceeda aan taariikhda aadamaha laga warin, shakhsiyadaas cajiibkaa oo culimadu ay labo u qaybiyaan, mid uu waxyigu watay oo nabiga Nabinimadiisa lagu xoojinayey iyo mid uu asagu dhistay, haddaba shakhsiyadda labadaas nooc iskugu jirtay ayaa waxaa kamid ah dadka ay soo jiidatay runtiina aad ula cajabay niman taariikhyahanno iyo faylasuufyaba iskugu jiray, nimankaas oo gaalo ahaa balse mardambe qaybtood ay diinta islaamka qaateen, qaabab cajiib ah ayey nabiga u sifeeyeen ama ahakhsiyadiisii u amaaneen haddaba halkaan  ayaan waxaan idinkula wadaagaynaa qayb kamaid ah hadaladoodii oo aan soo turjunnay. 


Alphonse de Martine  “Faylasuuf, af-tahan, rasuul wadaad ah, sharci-dejiye, dagaalyahan, Xabaalaha fikradaha kale, dib-u-soo-celiyaha caqiiqadada iyo mabaadii’da fidrada kudhisan, asaasihii labaatan boqortooyo dhulka ah iyo hal boqortooyo ruuxi ah, waa Muxammed (Nabi muxammed SCW) Marka la eego dhammaan halbeegyada lagu qiyaasi karo haybadda aadamaha, waxaynu is weydiin karnaa, ma jiraa ruux muxammed ka weyn”. Alphonse de Martine gabyaa iyo qoraa faransiis ahaa



Reverend bosworth smith “Wuxuu halmar wada ahaa ama isku ahaa Caesar iyo pope, laakiin wuxuu ahaa pope oo bilaa kibir islawayni ah iyo Caesar oo bilaa ciidamo iyo awood ah, Wuxuu ahaa mid aan haysan ciidan jirra oo u diwaan gashan, waardiyayaal, goob oo kaduulo oo fadhi u ah iyo mushahaar go,an hadii nin xaq u leeyahay in uu sheegto ama uu yiraahdo waxaan ku maamulay aduunka waxyiga alle kaasi waa muxammed oo kaliya. 

Reverend bosworth smith


Lasoco qaybta labaad…

Post a Comment

0 Comments