QISO MUUJINAYSA SAAXIIBTINIMADII NABIGA SCW IYO ABUUBKAR AL SIDIIQ.
Wali waxaan dhexda kaga jirnaa buugga uu qoray qoraa muxummad Yusuf Ee uu ugu wanqalay “Al faaruuq sannadihii-hore” Haddaba waxaa xusid muddan in buuggu uusan ku ekayn taariikhda sanadihii hore ee nolosha Cumar binu al khadaab Rc, ee uu sidoo kale wax ka taataabanayo ama in badan oo kamid ahba uu daboolayo Dacwada islaamka iyo sidii ay kusoo bilaabatay, Faafiddii iyo fidintii diinta islaamka, wixii uu Nabiggu iyo Saxaabadiisii ay dhib kamareen, mashqaddii ama dhibaatadii qabsatay kooxdii u horaysay oo saxaaba ah muujisata diinta islaamka iyo sidii loo ciqaabay, waxaan buugga kamarnayn taariikho, qisooyin iyo xikmado cajiib ah oo meelo kala duwan kadhacay siyaalo kala duwana loo wariyey.
haddaba midkamid ah qisooyinka buugga kujira oo runtii aad isoo jiidatay waa qiso muujinaysa kana turjumaysa heerka ay gaarsiisnayd saaxiibtinimadii iyo jacaylkii kadhexeeyey Rasuulkeennii suubbanaa Nebadgalyo iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee iyo khaliifkii koobaad ahaana saaxiibkii Rasuulka SCW Abuubakar Al Siddiiq Rc, waxaa la wariyaa In Sannado badan kadib islaamiddii Cumar ay wax dhexmareen Abuubakar Al Sidiiq iyo Cumar binu khadaab sida sheekada kamuuqata abuubakar Rc ayaa isku dayey in uu raali galiyo Cumar Rc, balse Cumar waa uu kadhego adaygay oo waa uu diiday raaligalintii abuubakar, kadib abuubakar markii uu jid iyo jiho kawaayey oo uu qancin kari waayey cumar ayuu u tagay Nabiga SCW, Cumar oo aad asaguna u caraysan ayaa kadaba yimid waxaana la isugu soo galay Majliskii Nabiga Scw ama meeshii uu markaas joogay, laakiin Cumar RC ayaa lakulmay wax uuusan filayn kadib markuu arkay Nabiga SCW oo aad u caraysan Cadho awgeedna wajigu isbadalay, markaas ayuuNabigu SCW Yiri “"Alle ayaa ii soo kiin diray markaasaad igu tidhaahdeen, 'been baa aad sheegaysaa," Abuu Bakarna waxa uu yidhi, 'run baa uu sheegayaa, waxa uuna i la garab istaagay naf iyo maalba. Ma ii daynaysaan saaxibkay? Ma
¡i daynaysaan saaxiibkay?" Sida xadiiska uu weriyey Imaam
Bukhaari ku jirta, maalintaas ka dib cid dhib u geysatay ma jirto” (Sidda buugga ay ugu qorantahay sheekadu).
Ma ahan wax laqariibsado in Nabiga SCW uu ku kalsoonaa uuna jeclaa saaxiibkiis abuubkar maadaama uu abuubakar kamid ahaa dadkii u horeeyey Ee rumeeyey Nabiga SCW Xili kuwii ugu dhowaa ay ladagaalameen ayna kasoo horjeesteen, waxaad xasuusataan in uu lagalay xiliggii hijrada God ama Ceel ay uga dhuumanayeen mushrikiintii cayrsanaysay Waatan ilaahay qur,aankiisa suuratu al towba uga hadalyo Xaalku maalinkaas sida uu ahaa, Xilli uu asxaabtii Nabiga Oo si iskudibdhigay ama shaydaan u wa hai galiyey uu ku baraarujinayey in ay aadaan Qazwatu tabuuk Nabigana ladagaal galaan
إِلَّا تَنصُرُوهُ فَقَدْ نَصَرَهُ اللَّهُ إِذْ أَخْرَجَهُ الَّذِينَ كَفَرُوا ثَانِيَ اثْنَيْنِ إِذْ هُمَا فِي الْغَارِ إِذْ يَقُولُ لِصَاحِبِهِ لَا تَحْزَنْ إِنَّ اللَّهَ مَعَنَا ۖ فَأَنزَلَ اللَّهُ سَكِينَتَهُ عَلَيْهِ وَأَيَّدَهُ بِجُنُودٍ لَّمْ تَرَوْهَا وَجَعَلَ كَلِمَةَ الَّذِينَ كَفَرُوا السُّفْلَىٰ ۗ وَكَلِمَةُ اللَّهِ هِيَ الْعُلْيَا ۗ وَاللَّهُ عَزِيزٌ حَكِيمٌ﴾
[ التوبة: 40] “hadii iidnaan u gargaarin (Asxaabeey) waxaa dhab ah in Eebe wayne u gargaaray, wakhti ay magaalada kabixiyeen Mushrikiintii qurayshayd asagga oo labo kaliya ah ( Nabiga iyo Abuubaka) wakhti ayuu Eebe u gargaaray ay labadoodu Godka gudihiisa kujireen, wakhti ayuu Eebe u gargaaray Uu Nabigu SCW uu kuyiri Saaxiibkiis (abuubakar) ha murugoon ilaahay ayaa Nala jira, kadib Eebe ayaa kusoo dajiyey Nabigiisa Xasilooni, Wuxuuna ku xoojiyey ciidamo aydnaan arkayn, Eebana wuxuu ka yeelay wixii ay gaaladdu wadeen wax hooseeya ( laga adkaaday) kalmadii iyo islaanimaddii uu waday Nabiguna Midda saraysa (midda guulaysatay) Eebana waa alle uunkiisa ka adag oo xikmad badan.
Lasoco qaybta xigta buugga “Al faaruuq Sanadihii hore”
0 Comments