“Alle waxa uu xaqa yeelay (saaray) carrabka Cumar iyo qalbigiisa.”
Furashadii Makka kadib بعد الفتح
Waxaan kusoo jirnay oo muddo aan soo wadnay buuggii uu qoray Muxummad Yusuf, buuggaas oo uu ugu wanqalay {Alfaaruuq Sannadihii Hore}, buuggaan oo u jeedadiisa uu kusheegay in uu wax un taariikh ah ka tilmaamo shakhsiyaddii waynayd Ee saxaabigii Cumar binu Al khadaab.
Aniga shakhsi ahaan buuggaan waa markii labaad oo aan akhrinayo, markii koobaad oo aan akhriyey waxa ay ahayd qiyaastii sanad kahor, Nasiib darro aniga oo is leh marlabaad iyo mar saddexaad ba akhri ayaan waayey meel uu kabaxay balse ilaahay mahadiis ayaan dhexe ayaan ka helay guruub (group) telegram ka ah oo buugaagta lasoo dhigo Laguna magacaabo (Somali Books), dhab ahaantii buuggaan wax badan ayaan ka bartay, taariikho badan oo aanan ogayn ayaan ka ogaaday, sidoo kale waxaan oran karaa waa buugga sababta u ahaa (ilaahay awooddiisa marka laga yimaado) in aan xiiseeyo oo aan waliba aad u jeclaado si aan waxbadan ugasii ogaado buugaagta la xiriirta diinteena suuban iyo taariikhdeena islaamka.
Buugaan waa uu kawaynyahay buug Ee waa buug iyo bar, marka la fiiriyo habka loo qoray, loo soo guuriyey taariikhaha iyo dhacdooyinka dhexdiisa kuxusan, loogana baaraan dagay sax ahaantooda waxa kaliya oo kuu furan waa in aad u mahad celisid qoraaga iyo cidkasta oo gacan ka gaysatay in buugga kani uu soo baxo. Intaas marka aan kasoo tagno aan kusoo afmeerno soo koobiddii buuga sheeko laga wariyey ad’adaygii cumar, ad’adayg marka aan leenahay kama dhigna kibir iyo wax kale ee waa sida uu ugu ad’adkaa in shareecada islaamka aan la baal marin ama aan si fudud loogu degdegin Axkaamteeda iyo qawaaniinteeda.
Cumar marwalba seefta ayaa galka uga baxsanayd.
Waxa uu qoraagu buugga kuxusay in furashadii Makka waxyar kahor muddo 20 bilood kudhow Muslimiinta iyo Mushrikiintii qurayshayd aysan wax dagaal iyo abaabul ciidan midna aysan galin, In muddo intaas le,eg nabad lagu kala jooga waxeey kutimid Heshiiskii Caanka ahaa Ee Xudaybiyah, heshiiskaas qodobadiisa waxaa kamid ahaa in qolo kasta (Muslimiinta iyo mushrikiinta) qolada kale ay nabad galiso sidoo kalana Nabad galyo lasiiyo Cid kasta oo Xilfi wadaag ama isbahaysi ay leeyihiin labada qolo mid kamid ah, waxaa jiray laba qolo oo carbeed oo colaad guun ahi kadhaxaysay, Waa Khusaacah iyo Banii Bakar, qolada hore waa khusaaca ah waxa uu isbahaysi kala dhexeeyey muslimiinta halka qolada kale Banii Bakar uu heshiis difaac kala dhexeeyey Mushrikiinta, Ayada oo sida aan soo sheegnay in muddo ah sidaas la isku nabad galiyey ayaa wakhti habeen ah waxaa dagaal lagu ekeeyey oo lamiray khusaacah waa qoladii muslimiinta isbahaysiga la lahayd qolada duulaanka soo qaadayna waa Banii Bakar oo isbahaysi la lahayd Mushrikiinta, Arinta layaabka leh Mushrikiintii qurayshayd ma aysan tixgalin Heshiiskii ay kula jireen muslimiinta ee waxa ay dulaankii gardarada ahaa kugarab siiyeen qoladii Banii Bakar ayagoo isqarinaya una malaynaya in aan laga war helayn. Waxaa isla Markiiba Madiina u orday nin la oran jiray Camar Ibnu saalim Al-khusaacii si uu Nabiga Scw u wargaliyo taageeradii isbahaysigoodana uga dalbado. Gabay dareen leh oo calaacal iyo catow miiran ah oo waxa tolkii lagu dhigayna uu ku cabirayo taageerana uu Nabiga Scw uga dalbanayo ayuu halkaas ka tiriyey. Nabigu Scw waa uu usoo gaabiyey oo waxa uu ugu jawaabay
نصرت يا عمرو بن ابي سالم
“ laguu hiili Camr ibnu ibii saalimow”
Mushrikiintii qurayshayd oo waagu kubaryey sidoo kalana malayn kara khaladka ay galeen qiimaha uu ugu kici karo ayaa is yiri bal arrinka hoos u dhiga oo iskudaya in aad xaaladda qaboojisaan, islamarkiiba waxa ay ergo ahaan u direen Abuu sufyaan (wakhtiguu gaalka ahaa) bal si uu duulaanka kusoo fool leh qaab diblumaasiyadeed meesha ugaga saaro, haddaba abuu sufyaan oo la ogyahay inta ay gaarsiisnayd cadaawada uu islaamka iyo muslimiinta u hayo iyo duulaamaddii uu ku kicin jiray Nabiga Scw iyo saxaabadiisa ayaa markaan raba bal in uu wax un damqasho ama u diirnax ah kahelo Nabiga Scw iyo asxaabtiisa. Abuu sufyaan waxa uu bilaabay in uu u tago dhowrqof oo uu islahaa hadeey kaa ergeeyaan ama Nabiga Scw kaala hadlaan Waa la aqbali ergadooda, balse qofkasta oo uu u tagay waxa uu kala kulmay diidmo adag dadka qaybtood hanjabaad ayeyba ugu dareen. Haddaba dadkii uu u tagay waxaa kamid ahaa Nabiga Scw laal
kiin sida qoraagu warinayo Nabigu afka uma kala furin oo uma uusan jawaabin, kadibna abuubark iyo saaxaabo kale ayuu u tagay balse cid fariinta uu wado kahoos qaada waa uu waayey, Sheekakada aan u socono waa halkaan markii uu Cumar binu Al-khadaab u yimid bal in uu arrinkiisa hoos u fiiriyo Cumar ayaa ugu jawaabay “Ma aniga ayaad i weydiinaysaan in aan Rasuulka Alle scw idiin ka ergeeyo?! Allaan ku dhaartaye, [hub] kale haddaan idiin waayo, saxar baan idin kula jihaadayaa!” Saxar waxa uu qoraagu kumacnaynayaa waxa ugu yar ee la tilmaami karo. Runtii sheekadaan waxa ay muujinaya sida uu cumar u ahaa Nin ku adag diinta alle sidoo kalana aan lagula dhiiran karin waxyaabaha qaar. Hadalkaan uu Cumar ugu warceliyey waxa uu Abuu sufyaan u qaatay in ay tahay cadaawad gaamurtay oo Cumar u hayo asaga iyo Tolkiis Quraysh, waxa uuna kutilmaamaya Markii uu kulaabtay Makka in Cumar yahay “Cadowga ugu colaadda badan,” ee ay Qurayshi Muslimiinta ku dhex leedahay. Laakiin dhab ahaan Cumar ma uusan Necbayn Quraysh qabiil ahanteed ee waxa uu necbaa shirkiga iyo cidda samaynaysa.
Qoraagu waxa uu Ina leeyahay Waxaa la innaga rabaa in aan me aan o oo aan ma no ficilka xun ee ma ahan qofka, qofkii samaynayey ficilkaas hadii uu ka towbad keeno oo ka laabto waxaa waajib innagu ah in aan jeclaano.
Gabagabadii, sababta ugu wayn ee aan buugaagta u soo koobayno waa in marka koobaad dadka wax akhriska la jeclaysiiyo oo qofku marka uu maqaal yar akhriyo, maalinkale mid xoogaa yara dheer akhriyo maalinka dambe asaga oo maktabadaha buugaagta ka kici la’ ayaa la arkayaa xiisaha iyo xamaasada uu u hayo wax akhriska awgiis. Haddaba adiga akhristaha sharafta lahow waxaa lagaa rabaa in marka aan buug sidaan oo kale wakhti u galino, u daraasayno, inta nuxurka lehna aan u soo koobno in aad adigu inta dhiman raadsatid oo hadii uu kucajabiyey aad akhrisid si aad wax badan uga faa,iidid dadka kugu hareeraysana ugu faa,iidaysid. Dabcan soo koobidda buug lasoo koobo qofku wuu ku gaabsan karaa oo annaguba buugaagta qayb Cod ahaan ayaan u dhagaysanaa qaybna kalana sidaan oo kale usoo akhriyey una soo koobay ayaan uga maarannaa.
Mahadsanid.
Dhamaad.
0 Comments