LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

“Laga bilaabo markii Cumar islaamay, awood iyo sharaf baa aanu ku noolayn.” —Cabdullaahi ibnu Mascuud rc, Saxiixul Bukhaari, 3863.



Islaamiddii Cumar maxaa iska badalay Noloshii aadka u adkayd Ee muslimiintii koobnayd ee wakhtigaas diinta qaadatay,  doorkuu dacwada kulahaa iyo guud ahaan kaalintiisii islaamka.


Kadib islaamidii Cumar iyo kuqanaciisii diinta Xaqqa ah waxaa soo kordhay wax wayn, ma uusan ahayn shakhsi Caadi ah Cumar oo diinta qaatay sidii asxaab badan oo asaga kahoraysay. Halkaan waxaan kala jeedaa saamayntiisii, Xiligiisii gaalnimadda/jaahiliyada waxa uu ahaa cumar nin geesi ah, laga haybaysto, sidoo kalana kamid ah ragga wax lawaydiiyo gartana gooya marka golaha lafadhiyo. 


Soo islaamidiisii qolo waxa ay u ahayd dacar si loo liqaa ay adagtahay Halka qolo kale ay u ahayd naruuro iyo nasri wakhti loo baahnaa yimid


Soo islaamidiisii mushrikiintii quraysheed ee wakhtigaas waxa ay u arkayeen khatar wayn oo soo foodsaartay, wixii dhacay waxa ay u fasirteen fashil soo degdegay oo kuyimid dagaalkii ay kulajireen dacwada. 

Saamayntiisii heerka ay gaarsiisnayd waxaa ka markhaati kacay Nabiga Scw, Oo Xadiith kusoo arooray Tirmidi oo saxiix ah  ayuu Nabigu Scw kuduceeyey in alle diinta kutaageero abuu jahal iyo cumar midkood, tan oo muujinaysa sida qoraagu taxliilinayo saamayntii ay lahaayeen iyo haddii ay islaamaan, in ay xoojin lahaayeen Muslimiinta laga awoodda badan yahay, dabadeedna xidhiidhka iyaga iyo Mushrikiinta u dhexeeya ay wax badani iska beddeli lahaayeen.  Waxaan si fudud u oran karnaa saamayntii cumar waxa ay ahayd mid muuqata oo banaan yaal ah islaamka kahor. 


Hadaba si aan u ogaano waxa ay uga dhignayd soo islaamidii Cumar islaamka iyo dacwada wax yar aan dib u milicsano xaalku sida uu ahaa kahor Cumar. 


Cumar binu khadaab hortiis Nabiga scw iyo Muslimiintii koobnayd ee rumaysay oo la ogaaday in ay si hoose u qaateen diinta islaamka waxaa lagu hayey dhib aad u wayn, waxeey la kulmayeen ciqaab adag, jirdil, aflagaado, hanjabaad (Ceejin) sida qoraagu uu leeyahay waxaa intaas u dheeraa dagaal nafsi ah iyo bahdilaad si joogta ah loogu hayey. Ayadoo intaas oo dhan ay Nabiga scw si gaar ah ugu dhacaysay iyo si guud saxaabadii rumaysay haddana Nabiga hiil ama garab la,aan ma uusan ahayn oo waxaa barbar taagnaa adeerkiis Abuu daalib iyo reer banii haashim marka laga reebo Abii lahab iyo xaaskiisa لعنة الله عليهم oo ayagu wadadaas mid kaduwan in ay qaadaan guddoonsaday, taas oo ah in ay Nabiga waddo kasta oo ay kula diriri karaan kula diriraan, wadiiqo kasta oo ay dacwadda kujoojin karaana ay falankeeda galaan. Qisooyinka murugada leh ee laga wariyo Ciqaabtii muslimiinta lagu hayey waxaa kamid ah, dhibtii loo gaystay Reer Aala Yaasir, آل ياسر markii qoyskaas aad loo cadaabay nabiguna scw uusan waxba u tari karin waa asaggii ugu qalbi qaboojinayey in ay jano helayaan oo ay sabraan maalmaha kooban.   صبرًا آل ياسر فإن موعدكم الجنه (dulqaata reer Aala yaasirow balankiinu waa jannee) ilaa ugu dambayn aabihi iyo Hooyadii qoyskuba ay u geeryoodeen dhibtii lagu hayey. Sidoo kale qisada caanka ah ee adoonkii Xabashiga ahaa bilaal binu rabaax Rc oo aad wada garanaysaan maalmihii uu ciqaabta kala kulmi jiray mushrikii quraysh madaxdeeda kamid ahaa Umaya binu khalaf, Wakhti uu la eegan jiray marka kulaylku qoraxdu ugu daranyahay (duhhraddii) kadibna inta uu dhabarka u jiifiyo Ciidda kulul ee lama dagaanka carbeed uu dhagax wayn xabadka  ka saari jiray sida uu qoraagu soo guurinayo Umayah ayaa ku oran jiray, wallee sidaas ayaa aad ahaanaysaa ilaa aad ka dhimatid ama aad ku gaalowdo Muxammad, oo aad caabuddid Laata iyo Cusaa. halka bilaalna uu ku jawaabi jiray “Axadun Axad.” Alle keligii baa aan qirayaa


Waxaa xusid mudan inta uusan Cumar RC uusan islaamka qaadan in Isagga qudhiisu uu ka mid ahaa dadkii sida adag ula diriray ciqaabtana u mariyey qayb kamid ah muslimiintii asaga diinta uga horaysay. Qisooyinka uu qoraa muxummad Yuusuf uu soo guurinayo waxaa kamid ah ciqaab iyo cadaadis uu kuhayey gabar saxaabiyad ah adoonna u ahayd qoladii Cumar uu ka dhashay jifi ka mid ahayd oo la odhan jirey Banuu Mu’ammil, sida aan kasoo dheeganayno buugga , Cumar ayaa aad u jidhdili jirey oo sida uu u garaacayo marka uu daalo, isaga oo ku diganaya, kuna jeesjeesaya waxa uu ku dhihi jirey, “Iga raalli ahow, daal baa aan kuu daayey e”! “Alle ayaa ku daaliyey,” baa ay iyaduna ugu jawaabi jirtey. Markii dambe waxaa iibsadey oo xoreeyey Abuu Bakar. 


Qoraaga buuggu bilowga cutubka seddexaad ayuu si faahfaahsan ugaga hadlayaa qaabkii uu kusoo islaamay Cumar, heerarakii ay soo martay islaamiddiisu iyo da’duu jiray intaba. Annaga waxaa hadda muhiim noo ah sida ay iskubadashay noloshii muslimiintu iyo sida ay firfircooni ugu Heleen faafintii dacwada. Ugu horayn cumar islaamiddiisu waxa ay kusoo begantahay wakhti ay Qurayshi ku guuldarraysatay in ay soo celiso saxaabadii u hijrooday Xabasha, ka dibna ay bilaabeen in ay cadaadis xad-dhaaf ah saaraan Muslimiintii soo hadhay ee aysan tiradoodu dhaafin lixdanka qof. Waxa ay galiyeen nolol aad u adag, iyaga oo xadgudub iyo arxandarro kasta oo suuragal ah ku samaynayey Muslimiinta. Waxaa kale oo uu qoraagu xusayaa in ay adagtahay in sababtii iyo qaabkii uu cumar u islaamay lasaxo, maadaama aysan macquul ahayn in lakala saaro oo ladhiraandhiriyo, sababtuna waxa uu qoraagu kusheegayaa in sheekooyinka laga wariyey ay kujiraan kuwa badan oo daciif ah sidoo kalana ay aad ukala fogyihiin, iska hor imaanayaan, isla mar ahaantaasna aysan suurta gal ahyn in ay taageero isku noqdaan. 


“Laga bilaabo markii Cumar islaamay, awood iyo sharaf baa aanu ku noolayn.” —Cabdullaahi ibnu Mascuud rc, Saxiixul Bukhaari, 3863.



Xadiith kaan kore ayaan ka uga maarmi karnaa sida noloshii muslimiintu iskubadashay cumar markuu islaamay kadib, xadiith ku waxa uu na tusinayaa sida islamarkiiba ay diintii u xoogaysatay una soo dhalaashay, waxaa lawariyaa in maalmihii cumar islaamka qaatay ay u dambaysay dacwo hoos loo Fidiyo isla markaana waxwalba ay kala cadaadeen, xaqii iyo baadilkiina lakala saaray dadkuna kala fahmeen wanaa sababta loogu naynaaso الفاروق (kala saare) wuxuu kala saaray xaqii iyo baadilkii, waxaa meesha kabaxday huursanaantii ay diintu huursanayd oo kor ayey usoo baxday sidoo kale dhiiranaantii mushrikiintii ayaa Iyana meesha kabaxday wixii maalinkaas kadambeeyey muslimiintiina gees ayaa lagamaray. 

Post a Comment

0 Comments