Wax akhrintu waa nolol, wax akhrintu waa aqoon, wax akhrintu waa helidda macluumaad iyo aqoon Xiriirsan kumanaan sano, kaliya ma ahan kumanaan ee malaayiin sano, wax akhrintu waa in aad wax ka ogaatid casharna kabaratid taariikhaha quruumihii soo jiray ilaa iyo Nabi aadam Calayhi salaam, wax akhrintu waa in aad xog kaheshid halkii ay mareen kuwii kibray, kuwii alle caasiyey kadibna la halaagay waxa aan ka hadlaynaa Qawmu caad (reer caad) Qawmu thamuud (Reer thamuud) Qawmu saalix( Reer saalix) iyo kuwa kale oo badan oo wadadoodii qaaday. Kuwii liddigooda ahaa ee loo barwaaqeeyey markii ay rumeeyeen Rusushii loo diray Sida boqol kii kun oo Nabi Yuunus loo diray kadib markii alle kasoo badbaadiyey kaluunkii liqay.
Marka aan wax akhriska kahadlayno kama hadlayno mawduuc yar oo lasoo koobi karo, waxaa ladhahaa wax akhrintu Zaman (wakhti jaan go,an) maleh kumana xirna, bal qiyaas adigoo safar u galay malaayiin sano si aad wax uga ogaatid Tijaabooyinkii nolosha ay kaheleen, Nabiyadii alle soo diray, saalixiintii diinta xambaaray, ganacsato ganacsigoodu bulaalay ama guulaystay, dhakhaatiir Nafo badan badbaadiyey dunidana cilmi kusoo kordhiyey iyo dad nolosha heerka kasta oo la hiigsado kagaaray. Waa dhab oo inta aad intaas safartid tijaabooyinkaas kala duwan sidaas fudud kuma heli kartid Laakiin in aad wax daalacatid oo aad wax akhrisid ayaa kaa dhigaysa mid ogaada tijaabooyinkaas oo dhan.
Diinteenu wax akhriska waxa ay dhigtay boos aad u wayn bal u fiirso qur,aankii u horeeyey oo nabiga Scw kusoo dagay, loogama hadlin iimaan iyo waynida Eebe toona gaar ahaan erayga u horeeya, loogamana hadlin salaad iyo waajibaad kale toona, sidoo kalana kuma saabsanayn qisooyin looga sheekaynayey, ee waxaa looga bilaabay waxyi nabigeenii suubanaa dhagahiisu ay maqlaan, اقرأ (akhri)
بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيمِ
اقْرَأْ بِاسْمِ رَبِّكَ الَّذِي خَلَقَ ﴿۱﴾ خَلَقَ الْإِنْسَانَ مِنْ عَلَقٍ ﴿۲﴾ اقْرَأْ وَرَبُّكَ الْأَكْرَمُ ﴿۳﴾ الَّذِي عَلَّمَ بِالْقَلَمِ ﴿۴﴾ عَلَّمَ الْإِنْسَانَ مَا لَمْ يَعْلَمْ ﴿۵﴾.
“Ku akhri magaca Rabbigaaga wax abuuray. Insaanka ka abuuray xinjir. Akhri, Rabbigaana waa Deeqbadane. Midka dadka baray qalinka. Midka dadka baray wax aysan aqoon.
Halkaan waxaan ka arkaynaa meesha diinteena suuban ay dhigtay wax akhriska, sidoo kale waxaan kala soo bixi karnaa baraarujin la isku baraarujinayo in wax la akhriyo sida in Eebe kuleeyahay oo kale wax akhris la,aan nololi majirto waa aasaaska nolosha. wax akhrintu waa in noloshu qofku ay noqoto mid waxtar u yeelata naftiisa iyo dadka kuxeeranba. sida jirkeenu ugu baahanayahy cunno iyo cabitaan si lamid ah ayey maskaxdeenuna ugu baahanatahay in aan wax akhrino waliba inbadan aan akhrino. Wax akhrisku ma ahan inta aad maktabad (library) tagtid oo aad koob qaxwe ah shubatid kadibna aad iskasoo duubtid dhab ahaantiina wax micno ah masamaynayso. Bal kawaran adiga oo subax walba cadaygaaga iyo qaabka aad u cadayatid soo duubaya ama sawir kasoo qaadaya ama quraacda aad kuquraacanaysid subaxaas adigoo soo duubaya kawaran fool xumo ayey ahaan lahayd soo ma ahan, in aad waxa aad akhrinaysid sooduubto dan waa lamid sababtoo ah waaba aasaaskii nolosha ay ahayd marwalba in aad kudhexjirtid. Waa caadi oo dhib maleh mar iyo laba jeer in adiga oo buug aad lacajabtay haya aad sawir kasoo qaadid aad uga danleedahay in aad dadka kudhiiro galisid oo waxa aan haddaba maqaalada u qorno buugaagtana aan falcelinta uga samayno waa in dadka ay dhiiri galin ugu noqoto. Balse waxa aynu kahadlaynaa in igusawir aad kadhigatid waliba inta badan dadka sidaan sameeya waa dad laga yaabo in aysan waxba akhrin ama wax akhriskoodu uu yaryahay.
Ugu dambayn waxa aan kusoo gabagabynaynaa qormadaan gaaban jumlo laga diwaan galiyey qoraa iyo suugaanyahan caan ahaa oo noolaa dhamaadkii qarnigii 19 aad waxa uu yiri
“The man who does not read has no advantage over the man who cannot read” Mark Twain
0 Comments