LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Mxaan kala soconaa qaabkii loo dilay Amiirkii mu’miniinta


Nabi
Muxammed Scw oo sii ishaaray (Tilmaamay) in cumar la dili doono.

Xadiith Saxiix Al Muslim kuyaala islamar ahaantaana dhowr qaab oo kale usoo arooray balse istaageeraya oo is kabaya ayaa Nabiga Scw waxaa laga wariyey in maalin maalmaha kamid ah isaga oo fuushan buur lagu magacaabo {Xiraa} oo Makka Caan ka ah una jirta qiyaastii 5 kilo meter ayaa Nabiga oo koox saxaabada kamid ah ay lasocdaan waxaa dhaqdhaqaaqay (gariiray) dhagax ay kutaagnaayeen markaas ayuu Nabiga Scw inta uu lugtiisa kudhuftay waxa uu yiri “dhagaxyahow deg (jooji dhaqdhaqaaqa) Maxaa yeelay korkaaga masaarna الي نبي او صديق او شهيد waxa aan ka ahayn Nabi, Run badane (siddiiq) iyo Shahiid. Saxaabada Rasuulka Scw lasocotay waxaa lagu sheegay in ay ahaayeen, Abuubkar al sidiiq, Cumar binu khadaab, Cuthmaan binu cafaan, Cali binu abii daalib, Dalxa binu abii cubaydilaah, Zubar binu alcawaam iyo Sacad ibnu abii waqaas. Nabigu Scw waxa uu tilmaamay in dhagaxa korkiisa ay saaran yihiin oo kaliya Nabi oo ah Nabi muxammad Scw, Siddiiq Oo ah Abuubakar iyo Shuhado. dhamaantood saxaabadaas Nabigu Scw uu shahiidnimada u qirayo, way shahiideen oo waa ladilay marka laga reebo Sacad ibnu abii waqaas oo asagu firaashkiisa ama joodarigiisa ku dhintay. Culimadu qaar waxa ay leeyihiin sababta Nabigu Scw shahiidnimada ugu sii ishaaray Saxaabiga sacad ibnu abii waqaas oo firaashkiisa korkiisa kudhintay waa in uu kamid ahaa 10 kii loogu bishaareeyey Janada amaba jeclaa in uu shahiidnimo qaato. Sidaas daraadeed Nabigu Scw waxa uu u sugay shahiidnimo (Xukmi ah) Halka kuwa kale oo Cumar kamid yahayna Nabigu u sugay ama u ishaaray Shahiidnimo xaqiiqi ah inkastoo Cumar laftirkiisu uu qayb ahaan qaadanayo shahiidnimo Xukmi ah oo ah in gacan ka xaqdarani ay dili doonto.


Mid kamid ah hogaamiyaashii ugu awoodda badnaa ee xiligaas dunida katalaniyey, Amiirkii Mu’miniinta ahaana khaliifkii labaad Waxa uu sababsaday adoon aan xor ahayn.


Cumar binu khadaabu wuxuu maamulayey dowlad awood badan, mid kamid ah dowladihii ugu awoodda badnaa ee taariikhdu xusto, dowlad aan ka awood yarayn dowladah NATO oo la iskudaray, dhulka ay katalisaana ay macquul tahay in uu wakhtigaas kawaynaa dhulwaynaha Ruushka dhamaantiis. Ma sahlanayn madaxwayne awood intaas le,eg leh in si fudud uu kudilo Adoon (عبد) dab caabud ah balse way dhacaday, arrin muujinaya Qadarka kuna dhadhansiinaya micnaha aayadaan 


وَما تَدْرِي نَفْسٌ مَاذَا تَكْسِبُ غَدًا ، وَما تَدْرِي نَفْسٌ بأيّ أرْضٍ تَمُوتُ

“NAFINA GARAN MAYSO WAXA AY BARRI LAKULMI DOONTO KHAYR AMA SHAR, NAFINA MA OGA MEESHA AY KU DHIMAN DOONTO” 


Waxa ay ahayd sanaddii 23aad ee  taariikhda Hijriga, Wakhti inta badan laga adkaaday dowladihii waawaynaa ee caalamka ka talinayey lagasoo bilaabo Romans (bisantiiniyiintii) oo uu Amiirkii mu’miniintu cumar jabiyey kagana adkaaday dhulka Shaam layiraahdo dhamaantii iyo sidoo kale Masar (Egypt) Halka dhanka kale uu gebi ahaanba dowladdii Kisra katakhulasay kadib markii uu kujabiyey dagaaladii waawaynaa mid kamid ahna uu ahaa dagaalkii {Qaadisiyah}. 


Adoonkii muqiirah ibnu shucbah ayaa soo gabagabeeyey Noloshii Saxaabigii waynaa Amiirul mu’miniin Cumar binu khadaab RC. 


Markii laga adkaaday dowladii Persia (beershiya) ee katalanisay dhulka maanta loo yaqaano Iraan, waxyaabihii qaniimada ay muslimiintu u heleen way badnaayeen, hanti Naf iyo Maalba leh ayaa laqaybsaday hadaba waxaa jiray nin adoon ahaa oo uu lahaa saxaabi la oran jiray muqiirah ibnu shucbah culimada taariikhduna magaciisa ay ku sheegaan Abuu Lu’Lu Al-Majuusi. 


Xaqiiqo sugan, Cumar ma uusan ogolayn in adoomadaas lasoo iibsaday ama la qaniimaystay lakeeno dhulka muslimiinta balse waxaa jiray dhowr nin oo muqiirah ibnu shucbah uu kamid ahaa oo dan sheegtay kadibna loo fasaxay


Abuu Lu’Lu Al-majuusi, waxa uu ahaa nin farsamo yaqaan ah waxa uuna u shaqayn jiray saxaabiga muqiirata ibnu shucbah, maalinkii wuu fasaxi jiray si uu usoo shaqeeyo ilaa 4 dirham lacag lagu sheegay ayuu keeni jiray. Ilaa iyo hadda sababta ku kaliftay xilka Cumar lama garanayo balse sabtidii u dambaysay ee bisha (dul Hijah) in ay ahayd goortii uu Abuu Lu’Lu almajuusi uu xili aroor hore ah ayada oo salaadda subax lagu jiro uu Mindi (Tooreey) galiyey Amiirka oo salaadda tujinaya, Garabka in uu ka galiyey ayaa la tilmaamaa kadibna Kalida inta uu kaga bilaabay uu kujeexay ilaa caloosha. Saxaabadii kudaba tukanaysay ayaa damacday in ay qabtaan balse dhowr iyo tonan saxaabi ayuu dhaawacyo gaarsiiyey kahor inta uusan misaajidka orad kaga bixin, ugu dambayna kudhawaad 7 saxaabi ayaa dhaawacyadii u dhintay.


"وكان امر الله قدرا مقدورا"Ilaha aan soo xignay qaybtood ayaa kudaraya in Amiirul mu’miniin Cumar uu aayadaas akhrinayey inta uusan dhulka kudhicin. 


Abuu Lu’Lu halkee kudambeeyey kutubta qaarkood waxa ay qorayaan in isla maalinkiiba saxaabadu qabteen islamarkaana ay dileen inkastoo markii hore in uu fakado iskudayey oo uu jaaahwareerin sameeyey, haddana waxaa loo badanyahay in lagu guulaystay in laqabto kadibna ladilay


Eebe haka raali noqdo Cumar iyo dhamaan intii usoo halgantay in ay nuurka diinta islaamka nasoo gaarsiiyaan. 

Post a Comment

0 Comments