Aniga ayaa dhaqan galiyey qodobkii u horeeyey oo aan idinla wadaagay 6 maalmood kahor, bal arag sida aan u dhaqan galinayey qodobkii aan asbuucii hore Idinla wadaagay. Dhab ahaan aduunka maanta aan ku noolnahay waa aduun ay badantahay in qofku walwalo, walbahaaro sidoo kalana noloshiisu ay noqoto walwal joogto ah.
Marka aad u fiirsatid oo aad akhridid ama dhagaysatid dhacdooyinka warbaahintu ay tabinayso, marka aad baraha bulshada furtid waxa aad arkaysid ama aad akhrinaysidna ay noqdaan kaliya warar iyo dhacdooyin ku argagax Galinaya, marka aad indhahaaga si toos ah ula socitid xasuuqqa kusocda walaalaheen reer Qasa iyo guud ahaan walaalaha muslimiinta ee caalamka meel kasta kudhibaataysan, marka aad u dhuun dalooshid dagaalka daqiiqad kasta laga baqayo in uu aduunka ka qarxo iskuna badalo dagaal wayne 3aad (World war 3), marka aad ogtahay xaalka dhabta ah ee dadkeena soomaaliyeed kusuganyihiin iyo sida aysan ugu diyaarsanayn in ay wajahaan dhibaato ama dagaal wayn oo dunida kadhaca iska dhaaf in ay qayb kanoqodaan dagaal dhaca ama dhulkooda difaacdaane aysan xitaa soo saaran Karin wixii ay cuni lahaayeen ama kunoolaan laahaayeen islamar ahaantaasna ay kutiiraanyihiin waxa loogu yeero caawinaad ama mucaawimo caalamku siiyo. intaas aan soo sheegnay iyo inkale oo badan oo aanan soo koobi karin dhab ahaan waa arimo laga walwalo (warwaro) ama dadka walwal galiya intaas annaga ama dadkeena qurbaha kunool waxaa noo dheer cabsi aan ka qabno dagaal 3 aad oo soo degdega gaar ahaan dadka yurub kusugan, dhinaca kale dadkeena waqooyiga ameerika ama si khaas ah USA kusugan waxaa noo sii dheer cabsi laga qabo doorashada soo aadan taas oo sababi karta dagaal sokeeye. Dhamaantiin waxaad ogtihiin in la iskuday dil uu kabadbaaday madaxwaynihii hore Donald trump, dadka wax falanqeeya waxa ay leeyihiin USA dagaal sokeeye waxa ay u jirsatay wax kayar (Hal taako) oo ah inta ay iskujiraan dhagta oo ay xabadu ka sartay iyo madaxa.
Haddaba si aysan waxyaabahaas aan soo sheegnay noloshayada aysan saamayn taban ugu yeelan waxaa khasab ah in aan dhaqangalino qodobkii u horeeyey ee buugga “Sidee walwalka loo joojiyaa noloshana loo bilaabaa” oo aynu dhowr maalmood kahor aan idiin soo gudbinay.
Qodobkaas oo ahaa {Maalinkaaga ku ekow} run ahaantii waxa mustaqbalka dhow iyo midka fog dhacaya alle oo kaliya ayaa garanaya awood la,aanteena iyo daciifnimada bini aadamka iskadaa sanad ama 2sano kadib waxa dhacaya in aan ogaanee hal daqiiqo kadib xitaa ma sheegi karno xaalkeenu sida uu noqonayo. Haddaba waa muhiim in aadan isku hawlin dhacdooyinkaas oo dhan oo aad noloshaada si caadi ah aad u wadatid ilaahayna talada aad u daysid. Sababtoo ah waxba kama badali karno mustaqbalka soo socda iyo shalay oo lasoo dhaafay, waxa aynu qurxin karno oo aynu wanaajin karno waa maanta iyo saacadda aan noolnahay. Xasuusnow Sida kali ah oo mustaqbalka loogu diyaar garoobo waa maalinkaaga ama daqiiqadaas oo aad maalgashatid wixii aad qaban kartidna aad qabatid.
0 Comments