Xilli roobaadkii Gu’ga Sanadku markii uu ahaa 1871 ayaa wiil yar waxa uu soo qaaday buug waxa uuna ka akhriyey 21 eray kuwaas oo noloshiisa iyo mustaqbalkiisa kuyeeshay saamayn aad u balaaran.
Waa arday kulliyada caafimaadka kadhigta isbitaalka Montréal General Hospital ee dalka Canada, Wiil aad uga walwalsan sida uu ugu baasi lahaa imtixaankii u dambeeyey ee waxbarashada (Final Exam), walbahaarsan oo ka walbahaarsan wixii uu samayn lahaa iyo halka uu joogo dhinicii uu uga dhaqaaqi lahaa.
21 eray ee uu wiilkaan yar ee ah aradayga caafimadka barta ah uu akhriyey 1871 waxa ay ka caawisay in uu noqodo dhakhtarkii ugu caansanaa ee jiilkiisii. Wuxuu isku dubba-riday iskuulka caanka ah ee {John Hopkins school of medicine} wuxuu ka noqday professor (barifisoor) caafimaadka dhiga jaamacda Oxford university ee wadanka ingiriiska (UK) arintaas oo ah waxa ugu wayn ee uu gaari lahaa arday caafimaadka bartay. Waxaa magaciisa lagu laray Erayga (Sir) waa darajo ay bixiyaan boqortooyooyinku gaar ahaan boqortooyada England Midas oo lagu sharfo dadka bulshada kusoo kordhiya wax faa,iido leh magacna kuhela wax micno leh.
Markii uu dhintay kadibna si taariikhdiisa iyo sheekadiisii dadka kadambeeya loogu wariyo waxaa loo baahday in laga qoro Labo Volume oo dhan 1466 pages.
Magaciisu waxa uu ahaa Sir William Osler. Haddaba waa kuwaan 21 da eray ee uu akhriyey Gu’gii (spring) 1871 kuwaas oo uu yiri Thomas Carlyle. eraydaas oo ka caawiyey in uu ku noolaado nolol walwal la,aan ah “Shaqada ugu wayn ee na hortaala ma ahan in aan maskaxdeena kudaalino wax naga fog oo aynaan waxba kaqaban karin, balse waa in aan Xooggeena iskugu gayno waxa gondaheena yaala ama aan haysano” waa erayada gebi ahaanba noloshiisa badalay
Mar uu arday u jeedinayey khudbad ayuu sheegay Sir William Osler in qof asaga oo kale ah kaas oo barifisoor (professor) kanoqday 4 jaamacadood, sidoo kalana qoray buug aad caan u noqday aadna loo gatay in dadku ay u malaynayaan in uu yahay qof mar la,arag ah ayna khasab tahay in uu maskax tan dadka ka fiican uu leeyahay balse waxa uu yiri “Taasi run ma ahan” waxa uu sii raaciyey “asxaabtaydu way ogyihiin in maskaxdaydu tahay maskax qof caadi ah oo aanan dadka waxba dheerayn” haddaba sirta guushiisu maxa ay ahayd “Maalinkayga ayaan ku ekaan jiray” ayuu sirtiisa kusheegay Sir William Osler taas oo uu kala jeeday macnaha mastaqbalkana Kama walwali jirin sidoo kalana wixii tagay oo I dhaafay ima murug galin jirin kaliya maalinkayga ayaan xoogga saari jiray.
Sheekadaan Cajiibka ah oo uu Ciwaanka uga dhigay “Maalinkaaga ku ekow” ayuu qoraagu kubilaabayaa buuggiisa “Jooji walwalka oo bilow nolosha”
Taas macnaheedu ma in aan mustaqbalka laga fakarinbaa? ma in aan Loo diyaar garoobin baa? mustaqbalka berri, ma in aan dedaal la bixin baa sidii mustaqbal quruxbadan aad u hiigsan lahayd? Maya ma ahan balse sida ugu fiican oo aad mustaqbalkaaga ugu diyaar garoobi kartid ma ahan in aad Ka walwashid wixii barri dhici lahaa, wixii aad cuni lahayd iyo meeshii aad joogi lahayd, ma ahan inta aad meel fariisatid in aad iska murugootid adiga oo laga yaabo in howlo badan qabyo kaa yihiin ee sida ugu wacan ee loogu diyaar garoobo mustaqbalka waa in aad maanta oo aad nooshahay, maamulkeeda qayb ahaan uu gacantaada kujiro marka qadarta alle laga tago aad qabatid wixii aad qaban kartid sidoo kalana alle SW aad talo saaratid mustaqbalka. Xadiithkii Nabiga SCW waa asaggii ahaa
(من أصبح منكم آمناً في سربه، معافى في جسده، عنده قوت يومه، فكأنما حيزت له الدنيا)
“Midkiinii idinka mid ah oo waabariista isaga oo caafimaad qaba, Amaan iyo nabadgalyana kusoo toosa, haysta wixii uu maalinkaas cuni lahaa waxa uu lamid yahay isaga oo aduunka oo dhan uu iskugu yimid”
0 Comments