LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Sida loo joojiyo walwalka marlabaadna loo bilaabo nolosha”.




Aan isla fiirino mawduucyada ugu muhiimsan buugga “sida loo joojiyo walwalka marlabaadna loo bilaabo nolosha”. 

Runtii mawduuca uu ku magacaabanyahay Chapter (jabtar) waliba ayaaba kaligiis buug laga qori karaa. 


Bismilaah, Asalaamu calaykum walaalayaal waxaan rajaynayaa meel kasta oo aad joogtaan in aad caafimaad qabtaan. Waxaan bilaalabaynaa maanta buug runtii aad muhiim u ah, annaguna aan isleenahay waa buug wax wayn katari doonna mid kamid ah dhibaatooyinka waawayn oo dhamaan bini aadamku ay maanta ka cabanayaan kaas oo ah Walwal (Worry). Walwal qofku uusan garanayn waxa ku sababay, sababta uu u walwalayo iyo xitaa marmarka qaar waxa uu ka walwalayo.  Haddaba qoraagu inta badan cinwaanada buugga waxa uu u xushay si cajiib ah oo ka turjumaysa magaca buugga. Bal aan aragno qaybo kamid ah mawduucyada iyo cinwaanada ugu miisaanka culus ee buugga kujira kadibna intooda badan mid mid ayaan u sii faahfaahin doonaa waxa uu qoraagu kala jeedo. 


Hordhaaca buuga ugu horaynba qoraagu waxa uu tilmaamayaa arrin soo jiidasho leh waxa uu hibaynayaa buuggiisa waxa uuna u hibaynayaa qof aan rabin in uu akhriyo “dhiganahaan waxaa loo hibeeyey qof aan rabin in uu akhriyo” runtii waa jumlo tilmaamaysa misaanka buugga iyo dadka uu kusocdo looguna talagalay in ay akhriyaan. ula jeedadiisu waa buugga in uu u hibeeyey qof walwalsan, walbahaarsan aysana u muuqan wax rajo ah, hadda waan garanay sababta buugga loo qoray. 


Qaybaha koowaadee cinwaanada iyo mawduucyada buugga-


B) Xaqiiqooyin aas aas ah oo ay tahay in aad ka ogaatid walwalka ama (warwarka) 

T) kunoolow nolol habaysan ama qaabaysan

J) Xalka layaabka leh (magic) oo aad uga gudbaysid xaaladaha walwalka 

X)Waxyaabaha ay macquulka tahay in walwalku uu kudhaxalsiiyo hadaadan isdabaqaban. 


Qaybta labaad iyo qaybta sedsexaad qoraagu waxa uu kaga hadalayaa, qiimaynta aad u baahnatahay in aad saartid walwalka ama warwarka, sida loo taxliilyo loons xaliyo dhibaatooyinka iyo sida ugu yaraan 50% meesha looga saaro ama qashinka loogu daro walwalka. Waxa uu labadaan qaybood kusoo gabagabynayaa sida loo jabiyo caadada xun ee walwalka inta aysan kujabin kahor.




Qaybta 4aad, qoraagu waxa uu qaybtaan kusoo ban dhigayaa tabo iyo tusaalooyin uu arko in qofka raaca ay waxtar ugu yeelan karaan in uu ka guulaysto walwalka tusaale waxa uu leeyahay

B) 7 qaab oo loo hormariyo habfikirka maskaxdaada taas oo kaa dhigaysa mid dagan oo walwal kamaran isla mar ahaantaasna faraxsan.

T) 8 eray ama jumlado oo badali kara noloshaada

J)hadii aad intaan samaysid waligaa ma quursan doontid mahad naq la,aanta nimcooyinkq aad haysatid {buuga ayuu qoraagu ku sharixi doonaa waxa ay tahay in aad samaysid si aadan uga walwalin in aadan ka mahad celin nimcooyinka aad haysatid ama aadan u mahad celin qof wanaag kuu sameeyey. 

X) maku badalan lahayd $1 mlayan (hal malyan oo doolar) waxa aad haysatid? Waxa ay yihiin buugga gudihiisa ayaan ku arki doonaa. 


Mawduucyadaas cajaa’ibka leh iyo kuwa kale ayuu qoraagu buugga ku kala dhig dhigi doonaa annaguna sida ugu quruxbadan in aan usoo koobno ayaan isku dayaynaa hadii alle noo ogolaado.

Post a Comment

0 Comments