Maxeey warbaahinta Al Jazeera uga dan lahayd in ay xiligaan xasaasiga ah
Daabacdo maqaal ay Cinwaan uga dhigtay “Guushii muslimiinta ee Yarmuuk” Sidee ayeyse u dhacday Qazwadii ama duulaankii Yarmuuk.
4 maalmood kahor kuna beegnayd 20/8/2024 ayaan waxaan ka akhriyey qaybta Community ga ee YouTube ka Shabakada Al-Jazeera maqaal koobaan oo ay uga hadlaysay dagaalkii Yarmuuk mid ka mid ah dagaalada ugu muhiimsan inta la ogyahay taariikhda dagaalada caalamka iyo gaar ahaan dagaaladii muslimiintu ay la galeen Awoodihii markaas ay is hayeen.
Kadib geeridii SCW waxaa khilaafada lawareegay abuubakar kaas oo ahaa saaxiibkii ugu dhawaa ee Nabi muxammed salalaahu calayhi wasalam iyo khaliif ay bayco lagaleen muslimiimtii markaas joogtay Abuubakar waxa uu wajahay Caqabado dhowr ah balse waxaa ugu waynaa dagaalkii uu la galay qolooyinkii Riddoobay. Kadib Cumar RC ayaa lawareegay geeridii abuubakar kadib khilaafada, xiliggaan uu cumar talada hayo waa wakhtiga ugu badan oo muslimiintu dagaalo galeen Cadow badanna ay doodde is dareen. Haddaba waxaa kamid aha dagaaladii dhacay xiligaan Dullaankii Yarmuuk غزوة يرموك. Waxa aan ka hadlaynaa dagaal 6 maalmood socday, dagaal la isku riiqmay, dagaal aan taariikhda horay loo arag. waa dagaalka Loo garan ogyahay Yarmuuk waa dagaal ay is wajahaeen labo ciidan oo aad tiro iyo tayaba u kala badan, waa ciidankii dowlada islaamka iyo ciidankii midkamid ah labadii dowladood oo markaas dunida katalinayey waa dowladii Roman ka ama Bisantiiniyiinta taariikhyahanadu inkasta oo ay isku khilaafsanyihiin tirada saxda ah hadana waxaa la gaarsiiyaa ciidamadii Roman ka in ay ahaayeen 220,000 (labo boqol iyo labaatan kun) oo askari
kuwaas oo wajahayey 30,000 ilaa 40,000 ( soddon ilaa afartan kun) oo muslimiin ah. Tan oo ka dhigan in muslimiinta ugu laga badanyahay 5 jibbaar. Taliyah’s guud ee ciidanku waxa uu ahaa Khalid binu waliid inkasta oo Cumar RCuu wareegto xilka uga qaaday una dhiibay abuu cubaydah RC haddana abuu cubaydah oo arkayey in muslimiintu rabaan in khaalid hogaamiyo asaga laftirkiisuna uu ku qanacsanaa ayaa ku wareejiyey khaalid ibnu waliid kaas oo lagu naynaasi jiray ( Seeftii ilaahay) hadii aan soo koobno 6 maalmood oo dibirta la isliqsiiyey dagaalkuna uu maalinba maalinta kadambaysa uu ka darnaa ugu dambayn guushii waxa ay raacday ciidamadii muslimiinta. Insha Allah qayb kale ayaa isku dayaynaa in aan kaga hadalno taaktikadii dagaal ee ay muslimiintu ku guulaysteen iyo sida uu u sharaxay mid ka mid ah brofeseerada taariikhda ku takhakhusay oo u dhashay dalka maraykanaka.
Maxeey xiligaan shabakada Al Jazeera u doorbidday in ay mawduucaan ka hadasho.
Sida aan wad ognahay xasuuqa lagu hayo walaalaha kunool magaalada Q**A waxa uu socdaa inka badan 300 oo maalmood tan oo kadhigan in dhimashadu dadku ay wali socoto sidoo kale iska caabinta falastiiniyiintuna ay wali awoodaan in ay dagaal adag kala hortagaan gumaystaha garabka ka helaya dowladaha galbeedka.
Haddaba maalimihii lasoo dhaafay waxaa aad Loo hadal hayey xabad joojin ka dhaqangasha magaalada Go’doonsan ee Q*sa, ayada oo ay taasi jirto iska caabinta dagaalka kula jirta gumaystaha si ay u xanuujiyaan waxa ay laba jibbaareen weeraradii ay ku qaadayeen Ciidamada soo duulayaasha oo hadda u muuqda in ay daalden, arinkaan oo kalana waxaa sameeyey khaalid binu waliid kadib markii uu maalinkii 4aad ee dagaalka Yarmuuk uu asagu weerar kedis ah ku ekeeyey Ciidamadii Roomaanka kadib markii uu ka arkay fursad uuna dareemay in ay daaleen. Aniga aragtidayda Waxaan oran karaa Al Jazeera oo aan ognahay sida ay u taageerto qadiyada walaalaha la gumaadqyo in ay niyad dhis uga dhigaysay dhamaan muslimiinta iyo gaar ahaan kooxaha wax iska caabinta sidoo kalana ay lahayd guushu way dhowdahay Insha Allah.
0 Comments